Calendar

Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo maanta ka bixiyay jawaab hadalkii dhawaan kasoo yeeray Qaramada midoobay.

Maamulka Islaamiga  ah ee Gacanta ku  haya  Magaalada Kismaayo  Xarunta  Gobalka  Jubba Hoose ayaa Maanta  Jawaab ka bixiyay  hadal  dhawaan ka soo  yeeray Axmed Walad  Cabdalla  oo u Qaabilsan  Qaramada  Midoobey  Arimaha Soomaaliya ,

 Axmed Walad  Cabdalla oo ah ninka u qaalbilsan Qaramada midoobay soomaaliya ayaa  dhawaan sheegay in ay Qad cagaaran ka Sameyn doonaan  Magaalada   Muqdisho ee  Caasimada Soomaaliya  si loo badbaadiyo  Dowlada  KMG  ah  ee Soomaaliya  taas oo uu  ku sheegay in  looga  hortagayo weeraro is Qarxinta ah ee loogaysto Ciidamada iyo  Saraakiisha Dowlada KMG ah ,

 Madaxa warfaafinta Maamulka Ismaaliga ah ee Magaalada Kismaayo Sheikh   Xasan  Yacquub  Cali oo ah oo Maanta  ka hadley arimahaasi  ayaa sheegay in aysan waxba ka qabankarin  Magaaalda  Muqdisho  Qaramada midoobey islamarkaana aysan  jirin  cid  Qad Cagaaran ka samayn karta  Magaalada Muqdisho ee Caasimada Sooomaliya  waxaana uu shegay  Sheikh  Xasan  Yacquub  Cali  in ay  Magaalada Muqdisho inteeda badan ay iyagu gacanta ku  hayaan  islamarkaana aysan jirin meel  Qad Cagaaran looga sameeyo  Dowlada KMG  ah  ee Soomaliya  oo uu sheegay in ay dagantahay wax  ka yar 2 KMmitir ,

  Si kastaba ha ahaatee Hadalkan kasoo baxay  Maamulka  Islaamiga ah Ee Magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmayaa xili Beesha  Caalamku ay dadaal ugu jirto sidii ay taageero buuxdo ay u siin lahaayeen  Dowlada KMG ah ee Soomaliya  oo lagala wareegay inta badan gacan ku heynta Koonfurta Soomaliya.

 

 Ismaaciil Cali Cabdi

www.Bartamaha.com

[email protected]

Kismaayo-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: