Calendar

Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo ka hadlay Xaalada Guud ee Gobollada Jubooyinka.

kismaaaaayo

Bartamaha(Kismayo):- Gudoomiyaha 1aad ee Degmada Kismaayo Sheekh Abuubakar seylici ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay Xaaladaha guud ee Haatan ka jira gobollada Koonfureed ee Wadanka Soomaaliya gaar ahaanna Magaalada Kismaayo ee Xarunta G/j/hoose, isagoo sheegay in laga gudbay dagaaladii iyo weliba rabshadihii ka dhci jiray Magaalada Kismaayo ee ku salaeysnaa Hab beeleedka, islamarkaasina haatan loo gudbay ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo uu sheegay in uu haatan ka hirgalay gobollada ay gacanta ku hayaan Xoogaga Islaamiyiinta  ee kasoo horjeeda Siyaasadda Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye Gaiyaga Soomaaliya.

 Sheekh Abuubakar Seylici masuulka ugu sareeya ee Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa intaasi raaciyay in Magaalad Kismaayo ay fure u noqotay isbedel islaami ah oo horaantii sanadani ka dhacay gobollada Gedo iyo Jubooyinka, Bay iyo Bakool, shabeelooyinka iyo gobollada dhexe ee dhaca bartamaha Wadanka Soomaaliya, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan Xoogaga Islaamiyiinta.

 Sikastaba ha ahaatee Hadalkani ka soo yeeray Masuulka ugu sareeya Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheekh Abuubakar Seylici ayaa kusoo beegmaya xilli horaantii todobaadkani ay dagaallo iyo weliba talaabooyina militari oo aad u xoogan ay kasoo cusboonaadeen Qeybo katirsan gobollada Koonfureed ee Wadanka Soomaaliya, kuwaasoo u dhexeeyay Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin iyo Dariiqada Ahlusunna Waljameeca oo Taageero militari ka heleysa Ciidamo Taabacsan Xildhibaan Barre Aadan shire Hiiraale, waana markii ugu horeysan oo uu Masuulkani ka hadlo arimaha Siyaasadeed iyo kuwa militari ee ka jira gobollada Dhexe iyo kuwa koonfureed ee Dalka Soomaaliya tan iyo intii loo Magacaabay Xilka gudoomiyenimo.

 

Kala Soco Warar Xaqiiq ah www.Bartamaha.com

 

Ismaaciil Cali

Kismayo-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: