Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo howlo Burburin ah ka Sameeyay Hareeraha Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Kismaayo.
Howlahani Burburinta ee Maamulka Islaamiga ah ee Gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ay ka bilaabeen qaar kamid ah Hareeraha Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Kismaayo ayaa saaka si toos ah uga bilowday Xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu burburiyay qaar kamid ah Sandaqado iyo waliba gobo ganacsi oo si sharci darro ah uga dhisnaa Hareeraha Wadooyinka Xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo.
 Haseyeeshee Howlahani burburinta ee Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ay ka sameeyeen Xaafadda Calanley ayaa waxaa dib loogu furay Waddo weyn islamarkaasina aan la isticmaalin mudo dhowr iyo toban Sano ah, taasoo ay si sharci darro ah u dhisteen qaar kamid ah ganacsatada gobolkani J/hoose.
 Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo u Waramay Bartamaha ayaa Shaaca ka qaaday in howlahani burburinta ah ee ay sameeyeen Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo uu ku aadanyahay sidii loo hagaajin lahaa Bilicda Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Kismaayo islamarkaasina ay u soo celin lahaayeen Wadooyinkii ku xirmay Dagaaladii iyo Qalalaasihii Sokeeye ee saameeyey qeybo badan oo ka mid ah Dalka Soomaaliya
 Sikastaba ha ahaatee Waa markii ugu horeeysay ee Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ay fuliyaan Howlo ay ku furayaan Qaar kamid ah Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Kismaayo, Waxaana ay Amuurtani ku soo beegmeysa Xilli Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo uu Horaantii Todobaadkan Sheegay in ay dib u dhigeen Howlo Burburin ah oo uu Maamulku hore Shaaaca uga Qaaday in ay Fulin doonaan.
Â
Â
Ismaaciil Cali Cabdi
Bartamaha
Kismayo-Somalia
Comments
comments