Maamulka Islaamiga ah Ee Magaalada Kismaayo Oo baaq u Jeediyay odoyaasha dhaqanka G/J/hoose.
Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa Maanta ugu baaqay Odayaasha dhaqanka gobolka Jubbada hoose in ay Maamulka ka dhisan degmada la shaqeeyaan, islamarkaana ay ka qeybqaataan wacyiga iyo Howlaha Nabadeeynta ee ka soconaya guud ahaan Soomaaliya.
 Sheekh Cumar Xayaa-Kalah oo ah Ku xigeenka madaxa Garsoorka Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo shalay ka hadlayey Xafladda fuitaanka aqoon isweydaarsi Kismaayo lagu qabtay ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee odoyaal Dhaqameeyda beelaha kala duwan ee Gobolka J/hoose sida Ugaasyada, Salaadiinta iyo Nabadoonada in ay la shaqeeyaan maamulka, sidoo kale ay muujiyaan taageeradooda la xiriirto Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka.
 Waxaa sidoo kale Sheekh Xayaa-Kalah uu odayaasha dhaqanka u jeediyey in ay mas’uuliyad ay ka saaran tahay Howlaha Jihaadka ee socda oo la doonayo in ay doorkooda muujiyaan, Bulshadana ay matalayaanna ay ku dhiiri geliyaan ka qeybqaadashada howlahaasi.
Sikastaba ha ahaatee Baaqan ayaa wuxuu noqonayaa Baaqii ugu horeeyey oo noocaan oo kale ah oo uu Maamulka Islaamiga ah ee Kisamayo ujeediyo odoyaasha dhaqanka ee Magaalada Kismayo, Inkastoo ay horay u jireen kulamo wada tashiyo ah oo ay lahaayeen maamulka iyo Hoggaamiyeyaasha Dhaqanka.
Â
Â
Â
Â
Shabakadda Wararka Xaqiiqda ah Ee www.Bartamaha.com
Comments
comments