Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo Oo wareegto ka Soo saaray Is dhex Fariisiga Raga iyo Dumarka ee Gaadiidka ku safra.
Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa wareegto ka soo saaray Is dhex galka raga Iyo Dumarka ee  gaadiidka noocyadooda kala duwan ku safra, iyadoo uu Maamulku Sheegay in aan la ogolaan doonin in rag iyo dumar ay isla fariistaan hal kursi arintaana uu Maamulku mamnuucay.
  Wareegtadan oo  ka soo baxday Xafiiiska Ciidamada Taraafikada  ee maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo Saaka ayaa lagu sheegay  in la joojiyey oo la mamnuucay in ragga iyo Dumarka ay is dhex-fariistaan marka ay gaadiidka dadweeynaha saaran yihiin iyo kuwa kale ee caadiga ahba.
            Â
 Waxaa kaloo Wareegtadan oo uu ku saxiixnaa Axmed Xasan Cali (Tartiib)  oo ah Madaxa Ciidamada traffikada Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo lagu sheegay in la mamnuucay in gaadiidka Xamuulka qaado ee gobolada aado ay ragga iyo dumarka isku kursi Fariisiyaan Gaadiidleyda , waxaana lagu sheegay Wareegtadani in ganaax lagu soo rogi Doona gaarigii arrintaas lagu arko.
 Arintaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo hore uu Maamulku uga Mamnuucay Gaadiidleyda ka dhex shaqeeya Gudaha Magaalada in raga iyo Dumarka ay isku kursi fariisan Karin. ayaa hadana gaadiidka safar ku aada gobolada lagu soo rogay isla amarka.
Comments
comments