Calendar

Maamulka islaamiga ah ee kismaayo oo sheegay in ay ku raadjoogaan cidii ka danbeeysay fal dil ah oo xalay loo geysay qof rayid ah.

Bartamaha

Bartamaha(Kismayo):- Sheekh Ismaaciil Abuuhureera oo ah taliye ku xigeenka 1aad ee saldhigga Magaalada kismaayo ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay ku raadjoogaan dadkii ka danbeeyay fal dil ah oo xalay loo geystay nin rayid ahaa oo lagu magacaabi jiray Xuseen beezaani xilli uu kasoo baxay Masaajid ku yaallay Xaafada calanley ee magaalada kismaayo.

taliyaha ayaa sheegay in ay dabagal ku hayaan islamarkaasina ay baadigoobayaan cidii ka danbeeysay falkaasi arxan darrada ah ee lagu dilay qofka rayidka ah isagoona sheegay in ciidamada amaanku ay howlahoodii ay weli si habsami leh u soconayaa.

mar taliyaha wax laga weydiiyay waxa xiligan ku soo beegay falalka amaan darro ee ka soo cusboonaaday magaalada kismaayo ayuu shaaca ka qaaday in ay sabab u tahay ciidamada cusub ee yimid magaalada kuwaasi oo hakad galiyay howlihii shaqo ee ciidamada amaanku fulin jireen.

sikastaba ha ahaatee arintani ayaa kusoo beegmeysa xilli maqribnimadii xalay nin kamid ah dadka deegaan fal dil loo geystay, iyadoo aan la garanayn cida ka danbeeysay dilka ninkaasi iyo weliba sababta loo dilay, waxaana dilkani uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo ceynkan oo kale ah oo ka dhaca gudaha magaalada kismaayo tan iyo intii la magacaabay Maamulka islaamiga ah ee haatan ka arimiya Magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Isha wararka Xaqiiqda ah ee Bartamaha

Xafiiska Wararka

Kismaayo-Somalia

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: