Calendar

Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo mar labaad amar ku bixiyay in la xiro goobaha Ganacsi marka la Gaaro Xilliyada Salaadda.

Maamulka Islaamiga ah Ee m/Kismaayo ayaa Mar labaad amar ku bixiyay in la xiro Goobaha Ganacsi marka la gaaro waqtiyada salaadda, sidoo kalena La qabanayo qof micna darro meel u fadhiya Xiliyada salaada.

 

Inta aan la gaarin xilliyada Salaada ayaa waxa lagu arkayaa Gudaha Magaalada Ciidamada Xizbada oo Raxan raxan u socda kuna amraya dadka ku ganacsada Suuqyada Magaalada Kismaayo in ay Xiraan goobahooda Ganacsi.

 

Maamulka ayaa sheegay in ay Waajib tahay in lagu Dhaqmo Amarka Ilaah Oo ay  ugu horeeyso in la ilaaliyo Salaada, Islamarkaana la doonayo in Salaadda laga hormariyo wax walba, waxay sidoo kale sheegeen in qofkii la arko Isaga oo ay furantahay goobtiisa Shaqo Waqtiga salaadda Isna loo taxaabi doono Xabsiga uuna muteysan doono Ganaax ah 300 sh.somali.

 

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa xabsiga loo taxaabay dad fara badan kuwaas oo lagu soo eedeeyay in ay ka dib dhaceen Xilliga salaadda qaarna la soo qabtay iyagoo ganacsanaya salaadda oo lagu jiro.

  

Iskusoo  wada duubow arintaan uu Maamulka ku mamnuucayo in xiliyada salaada ay furnaadaan Goobaha ganacsiga ayaa ahayd mid hore uga dhaqan gashay Magaalada Kismaayo, iyadoo ay jiraan amarro kale oo badan oo ay Maamulka ku soo rogeen bulshada ree kismayo iyadoo dhamaantoodba ay ka dhaqan galeen gudaha Magaalada Kismaayo.

 

 

Kala soco Warar Xaqiiq ah www.Bartamaha.com

 

Kismayo-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: