Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo Mamnuucay Xafladaha Aroosyada ee Video- laga Duubi Jiray
Bayaan kasoo baxay Xafiiska Dacwada ee Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Kismaayo ayaa lagu Joojiyay Kaamara Fiidiyowga laga duubi jiray iyo Ciyaaraha Baartiska ah ee Xiliyada Aroosyada la qaban jiray.
Â
Sidoo kale waxaa Maamulku ka mamnuucay Gaadiidka kabadan 3 baabuur in aan loo adeegsan Karin Galbinta Arooska, cidii lagu qabto wax ka badan 3 baabuurna in sharciga la waafajin doono.
Ayagoo ku tilmaamay in aysan shareecada waafaqsaneyn qaabka iminka loo agaasimo xafladaha Arooska.
Â
Waxaana ay ugu baaqeen maamulku in ay dadka Reer Kismaayo kawaantoobaan waxa shareecada Islaamka lidka ku ah.
Â
Habeenada Arooska ayaa ah habeen uu badanyahay isdhexgalka bulshada ayadoo dadka oo dhami ay qiiraysanyihiin.
Â
Sidoo kale bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta Maamulka Kismaayo ayaa lagu sheegay in ay xafiiskaas iska soo diiwaan geliyaan  dadka Kaamarada isticmala oo ay kamidyihiin wariyeyaasha kahowlgala Magaalada Kismaayo ee camerada adeegsada
isdiiwaangelintaan oo bilaabatay Maanta kuna ekaan doonta 1june ayaan la ogeyn waxyaalaha lagala hadli doono wariyeyaasha iyo kaamiriisteyaasha
Â
Â
Â
Â
Xafiiska Wararka Ee Bartamaha Kismaayo.
Comments
comments