Calendar

Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo Maanta Ka hadlay Qabshada Ururka Ahlusunna Degmada Buulo Xaawo ee Gobokaasi Gedo.

bartamaha

Bartamaha (Kismayo):- Maamulka Islamiga ah Ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka j/hoose ayaa maanta waxa ay ka hadleen Dhaqdhaqaaqa militiri Ee Maalmahan Danbe ka soo cusboonaaday Gobalka Gedo Iyo la wareegida Ururka Ahlu sunnah ee Degmada Baladxaawo oo iayadu ka tirsan gobalkaasi Gedo.

Shirkaan jaraa’id ee uu maanta qabtay madaxa warfaafinta Maamulka islaamiga ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa si kulul kaga hadlay la wareegidii degmada Balad Xaawo ay la wareegeen ciidamo la sheegay in ay taabacsanyihiin Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kuwaasi oo subaxnimadii hore ee shalay la wareegay degmada Balad Xaawo ee gobolkaasi Gedo.

Madaxa Warfaafinta Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay in ciidamadaasi maalintii shalay la wareegay degmda Balad Xaawo ay geysteen Waxyaabo aan ku wanagsanayn sida uu sheegay Shareecada islaamka.

Sidoo kale Waxaa uu Sheekhu Itoobiya ku Eedeeyay in imika ay abaabulayso ayna taageero hiil Iyo hooba la garab taagantahay Maleeshiyaadka Soomliyeed kuwaasi oo ay ku doonayso inay ku wiiqdo awooda nidaamyada Islaamiga ah  Ee Jubooyinka Iyo Gedo.

Hadalka Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo ayaa ku soo aadaya xili maalintii shalay ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada  Balad Xaawo Ururka Ahlun Sunna iyadoo ay hore Deegaankaasi uga arimin Jireen Ururrada Islaamiga ah ee Xarakatu Shabaab iyo Xizbul Islaam.

 

Wararka Xaqiiqda ah kala Soco www.Bartamaha.com

 Kismayo-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: