Calendar

Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo Maanta ka hadlay Dhaqdhaqaqa Ciidan ee laga dareemayo Deegano kamida gobolka Gedo.

Maamulka Islaamiga Magaalada Kismaayo ayaa maanta faah faahin ka bixiyay dhaq dhaqaaqyada ciidan oo Maanta ay wadeen Ciidamada Dowlada Kmg ah ee ku sugan Degmada Doolow iyo kuwa Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Gedo.

 dwdShir jaraa’id oo uu maanta qabtay madaxa Amaanka Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo Sheekh C/raxmaan Max’ed Cali (Fiilow) ayaa waxa uu kaga hadlay Abaabuulo Ciidan oo ay sameynayeen Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo kadib markii la sheegay Ciidamada Taabacsan dowlada KMG ah ee ku sugan Degmada Doolow in ay duulaan ku soo yihiin Gobolka Gedo iyo Gobollada Jubooyinka

 Sheekh C/raxmaan ayaa intaasi ku daray in Ciidamada ku sugan Degmada Doolow ay hogaaminayaan Saraakiil Itoobiyaan ah wuxuuna sheegay in Ciidamo  gurmad ah ay u direen Afaafka hore ee ay isku horfadhiyaan labada Ciidan isagoona sheegay in ay weli socdaan gurmadyada ay u dirayaan Gobolkaasi gedo

 

Hadalka kasoo yeeray Madaxa  Amaanka ee Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya Xilli Abaabuulo Ciidan oo xoog leh ay ka soconayeen Deegaano ka mid ah gobolkaasi gedo kaa oo ay wadeen Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Kuwa Maamulka Islaamiga ah ee ka arimiya Gobolka gedo.

Xaalada haatan ka jirta gobolka gedo ayaa ah mid aad u kacsan iyadoo xilli walba la filan karo Dagaal madama Masuuliyiinta ugu sarsareeya Ciidamada dowlada ee ku sugan Degmada Doolow ay shaaca ka qaadeen in wax wada hadal ah ay la gali doonin Xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka arimiya inta badan koonfurta Wadanka Soomaaliya.

 

Ismaaciil cali Cabdi

Bartamaha

Kismayo-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: