Calendar

Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo ku Amray Dadka ku Ganacsada hareeraha Wadooyinka in ay isaga Guuraan Mudo 3 Maalmood Gudahood

Hadalkan kasoo yeeray Maanta Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa si Cad loogu sheegay in Bulshada iyagu ku ganacsada Meelaha Wadooyinka ah islamarkaasina ka dhista Buushashka iyo Goobaha Biibitooyinka shaaha laga Cabo in loo soo Jeedinayo in ay Mudo 3 Maalmood gudahood ah ay isaga Baxaan goobahaas raadsadaanna goobo kale oo ay ku ganacsadaan.

 

Inkastoo Maamulku ay sheegeen in ay Howlgalkaasi iyaga qudhooduba ay ka fulinayaan 3daasi Casho kadib Gudaha Magaalada Kismaayo ayaa misna Madaxa warfaafinta Maamulka Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo Maanta Xafiiskiisa kula Hadlayay Saxaafadda ayaa wuxuu kaloo xusay in ay iminka jiraan gobo Fara Badan oo Ganacsi oo ku yaal Hareeraha Wadooyinka, waxna u dhimay bilicda Wadooyinka iyo isu geedisocodka Gaadiidka iyo Bulshada.

 

Madaxa Warfaafinta ayaa intaasi ku daray in Cabashada arintani ay ahayd mid isa soo tareysay Islamarkaasina Maamulka laga dhursugayay waxa ay ka yeelayaan Cabashadani oo inta badan ka iman jirtay Gaadiidleyda Gawaarida Xamuulka.

 

Waa Tallaabadii ugu horeeysay ee uu Maamulka ka Qaado Bilicda wadooyinka waloow Maamulkii Isbaheysigii Dooxada Jubba ee ka ariminayay Magaaladan Kismaayo ay Fuliyeen Howgallo Lagu burburiyay Xilligaasi goobo fara badan oo ganacsi oo ku yaal Dhinacyada Wadooyinka Waaweyn ee dhex mara Magaalada Kismaayo, waxaana tallaabadani ay noqoneysaa mid Wax weyn ka badasha Bilicda Wadooyinka Magaalada Kismaayo.

 

Wararka Caalamka kala Soco www.Bartamaha.com

 

 

Kismayo – Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: