Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ayaa maanta ku amray Kaamiriistayaasha in ay isdiiwaan galiyaan iyagoo dhanka kalana diiday aroosyada gawaarida badan lagu galbiyo.
Bartamaha(Muqdisho):-Masuuliyiinta xagga warfaafinta Ee Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa manta soo saaray laba amar oo is barbar socday kuwaasi oo Kaamiriistayaasha Kismaayo jooga lagu amray in ay isdiiwaan galiyaan halka La mamnuucay aroosyada lagu galbiyo gawaarida faraha badan gudaha Magaaladaasi.
    Sheekh C/Fitaax Ibraahim Cali oo ah Ku xigeenka Madaxa Warfaafinta Ee Maamulka Islaamiyiinta Kismaayo ayaa manta Amar ku bixiyay in ay gabi ahaanba isdiiwaan galiyaan raga Sawirqaadayaasha ah eek u sugan magaalada Kismaayo.
    Wadaadkaasi u hadlay Maamulka Kismaayo ayaa ku sheegay amarkaasi isdiiwaangalinta ah mid ammaanka deegaanka wax looga qabanayo iyo Nidaamka Bahda Warbaahinta Iyo Xerfadlayaasha kale intaba eek u shaqeysta Camiradaha.   Â
    Sidoo kale Masuulkaasi u hadlay Kooxda Islaamiyiinta Kismaayo ayaa waxa uu gabi ahaanba sheegay in aanb lagu arki Karin gudaha magaalada gawaari ka badan ilaa Saddex kuwaasi oo galbinaysa Aroosyada ka dhaca magaalada.
    Hadalkaasi ayuu sheegay Afhayeen xigeenku in ay ula jeedaan sidii aan logu Tagri fali lahay taasi oo uu tilmaamay in xiliyada qaar ay Dadka Aroosyada sare ka samaysta deegaanada Kismaayo ay dhaqaala badan ku bixiyaan taasi oo u ku tilmaamay tagri fal bareer ah.
   Waa amarkii ugu cuslaa ee xagga Bulshada ah oo ay Maamulka Kismaayo soo saaraan balse dadka reer kismaayo qaarkood ayaa si weyn u soo dhaweeyay howshaasi maamul oo ay sheegeen marka laga eego dhaqaalaha ay tahay mid u roon shacabka tabarta daran ee doonaya in ay gursadaan.
 Maanta ayaa dhanka kale Suxufiyiinta Kaamiradaha ku shaqeeya oo si rasmi ah ugu hogaansamaya amarka maamulka Kismaayo iyagoo ay isdiiwaangaliyeen tira badan oo ka mida CamiraManada Kismaayo ku sugan.
Â
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
  Â
Comments
comments