Maamulka Islaamiga ah Ee Gobolkla Bay oo tacsiir ku fuliyay dhalinyaro ma soomayaal ah gudaha Magaalada Baydhabo.
Bartamaha(Baydhabo) Maamulka Islaamiga ah Ee Gobolka Bay ayaa shalay galinkii danbe xukun tacsiir ah ku fuliyay dhalinyaro lagu soo qabtay xilli ay raashin cunayeen maalin soon ah.
Fagaaraha Dr.Ayuub Stadiom Ee Magaalada Baydhabo ayaa shalay galinkii danbe waxaa lagu fuliyay xukun tacsiir ah kaasi oo kalgu karbaashayay 3-dhalinyara ah kuwaasi oo la sheegay in ay raashin ku karsanayeen hoy ku yaala Baydhabo.
Dhalinyarada ayaa lagu dhiftay midkiiba 40-karbaash taasi oo ay maamulku ku fuliyeen meel fagaara ah dadkuna ay daawanayeen qaabka xukunka loo fulinayay ka dib markii garoonka la soo buuxiyay shacab aad u badan.
Masuuliyiinta Alshabaab Baydhabo ayaa waxa ay digniin u jeediyeen dadka ma soomayaasha ah oo ay sheegeen in ay talaabo ka qaadi doonaan xiliga ay gacantooda soo galaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments