Maamulka Islaamiga ah Ee Gobolka Gedo oo ku baaqay in laga guuro dhammaan guryihii Dowlada dhexe Ee Soomaaliya
Bartamaha (Baardheere)Â Maamulka Gobolka Gobolka Gedo ayaa soo saaray qoraal lagu dalbanayo in laga guuro dhammaan guryihii dowlada Dhexe Ee Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Sare Ee Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in laga baxo dhammaan dhismayaashiid dowladii dhexe Ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku yaala Baardheere.
Sheekh Maxamed Xasan Afrax oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka Islaamiga ee Magaalada Baardheere ayaa ugu baaqay dhammaan dadka ku nool dhismayaasha Dowlada in ay muddo kooban uga guuraan.
Masuulkaasi ayaa saxaafada u sheegay in maamulka Gedo iyo waxgaradka deegaanka ay isla meel dhigeen in muddo 2-bilood ah lagu faarujiyo dhismayaasha Dowlada Ee Gobolka iaydoo laga bilaabayo Baardheere.
Amaraka ay soo saareen Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka soo baxa Gobolkaasi Gedo oo haatan ay ka taagantahay xiisad dagaal oo salka ku haysa cidda gobolka Maamulaysa.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments