Calendar

Maamulka islaamiga ah ee Degmada Baardheere oo ugu baaqay dadka deegaanka in ay soo ururiyaan Zakaadka.

bartamaha

Bartamaha(Baardheere);- Maamulka islaamiga ah ee ka arimiya Degmada baardheere ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan degmadaasi in ay soo ururiyaan Zakaadka islamarkaasia ay soo gaarsiiyaan xafiiska ururinta Zakaadka ee Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Baardheere.

Sheekh C/qaadir Max’ed oo kamid ah masuuliyiinta dhanka zako ururinta ee maamulka islaamiga ah ee degmada baardheere oo bartamaha u waramayay ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan Degmada Baardheere iyo deeganada kale ee hoosyimaada in ay sida ugu dhaqsaha badan ku soo ururiyaan Zakaadka uu maamulka hore shaaca uga qaaday in laga qaadi doono cid walba oo ay ku waajibtay, isagoona  ugu baaqay ganacsatada Xoolaleyda iyo Beeralayda in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku bixiyaan Sakaatka 

Sidoo kale sheekh C/qaadir ayaa sheegay in waayadii hore dadka soomaaliyeed ay zakada siin jireen dadka ehelkooda ah ee laga yaabay in ay dhaqaalo haystaan balse wuxuu sheegay in hadeer la gaarsiin doono dhaqaalaha laga ururiyo dadka xolaha heysto dadka danyarta ah ee aan heli karin qutul yoonka.

Sikastaba ha ahaatee baaqaan kasoo baxay masuuliyiinta maamulka islaamiga ah ee degmada Baardheere ayaa kusoo beegmaya xilli qeybo badan oo kamid ah koonfurta wadanka soomaaliya oo ay maamulaan Xarakada Shabaabul mujaahidiin ay ka soconayaan howlo Zako ururin oo kuwan lamid ah.

 

www.Bartamaha.com

Kismayo-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: