Maamulka gobolka Hiiraan oo aan wali ka hadal dilkii Afhayeenkii Golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan
Maamulka gobolka Hiiraan ayaan wali wax war ah kasoo saarin Kooxo hubeysan oo ku dillay xalay meel aan ka fogeyn gurigiisa afhayeenkii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan Xuseen Cilmi Ibraahim.
Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in saddex dhalinyarro ah oo ku hubeysan bastoolado ay weerar ku qaadeen marxuum-ka xili uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne.
Inkastoo kooxda Alshabaab ay sheegatay dilal qorshaysnaa oo gobolkaas ka dhacay bilihii ugu dambeeyay, haddana ma cadda ilaa iyo hadda cida dilkiisa ka dambaysa marxuumkan.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.