Calendar

Maamulka Gobolka Benaadir oo Amaro Cusub kusoo Rogay Ganacsatada

4894-full-soMugadisho/Bartamaha:Saraakiisha Dowladda FKMG Soomaaliya Ee Gobolka Benaadir ayaa maanta soo saaray amaro ku aadand hanka Salaadda kadib kulan ay Maanta Magaalada Mugadisho ku qaateen Maaumulka Dowladda, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xukuumada KMG, Ganacsatada iyo Imaamayada Masaajiydayada xarumha ay Dowladda ka taliso.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka qeyb galay Kulankani Mugadisho ka dhacy isagoo Imaamyada u sheegay in Saaladda ay ku waaniyaan Shacabka xilliyada Salaadda laga baxo kadib.

Max’uud Axmed Nuur Tarsan oo ah Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada ayaa ugu baaqay Ganacatada inay xiraan goobaha Ganacsiga xilli Salaadda islamarkaana ay furtaan MarkaSalaadda laga baxo, waxuuna Ciidmada Dowladda KMG sooaamliya ugu baaqay inay soo qabtaan Ganacsatdaii jabisaa amaradani ku aadan dhanka Salaadda.

Qaar kamid ah Ganacsatda ku sugan Xarumaha ay Dowladda ayaa ka qeyb galay kulankaani ayaa soo dhaweeyay falkaani ay ku kaceen Maamulka Dowladda FKMG Soomaaliya Ee Gobolka Benaadir iyagoo soo dhaweeyay amarada lagu soo rogay Ganacsatda.

Ugu danbayntii waxaa kulankaani ka hadlay Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xukuumada KMG C/laahi Abyan Nuur oo ugu baaqay Imaamyada inay baraarujiyaan Dadka halka Ganacsatada uu faray inay soo  xaadiraan Masaajidyada xilliga Jameecada isagoo ugu baaqay ina xiraan Xarumha Ganacsi ku msahquulsanyiihn.

Amaradani kasoo yeeray Maamulka Dowladda KMG Soomaaliya Ee Gobolka Benaadir ayaa ah kii ugu horeeyay ay soo bandhigaan oo ku aadan xilliga Salaadaha in La xiro Xarumaha Ganacsi cidii lagu arkaa inuu u furanyahay xilliyada Salaadda ay ciqaab ladag la kulmi doonaan.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: