Maamulka Gobolka Bari oo ka Cabanaya dhibaato Ciidamada Faransiiska ay ku hayaan Kaluumaysatada Gobolkaasi.
Bartamaha(Boosaaso):-Maamulka Gobolka Bari ee Puntland ayaa ka cabanaya dhibaato Xoogan oo Ciidamada Faransiiska ku hayaan Kaluumaysatada Gobolka Bari.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Puntland Muuse Geele Faroole oo Saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in CiidamadaFaransiiska ay rasaas ku soo furan Kaluumaysatada xiliga ay dhaqdhaqaaq ka samaynayaan Xeebaha.
Meese Geele ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay dacwad ugu gudbinayaan Xarunta Ciidanka Faransiisea ee Jabuuti si wax looga qabto dhibaatada ay Ciidamada Faransiiska ku wadaan Kaluumaysatada.
Masuulkaasi ayaa waxa uu sheegay in inta badan ay Ciidamada Faransiiska rasaas ku soo furan Kaluumaysatada islamarkaana ay adkaatay sidii ay Kaluumaysatada uga jilaaban lahaayeen Biyaha Gobolka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments