Maamulka Gobolka Banaadir oo wado qorshe doorasho loogu sameeynayo Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banadir.
Bartamaha(Muqdisho):-Duqa magaalo madaxda Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa maanta saxaafada u sheegay in bilowga bisha soo socota la qabanayo doorashada Gudoomiyaha dhalinyarada Gobalka Banaadir.
Mud. Maxmed Cisman Dhagaxtuur gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaadey in ay diyaariyeen qorshayaasha iyo shuruucda Maamulka dhalinyarada Gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho Dhagaxtuur ayaa intaasi ku daray  in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir aanay cidi ka celin doonin ka qeybgalka kulan weynaha Dhalinyarada Gobolka.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay jiraan dalabaad iyo codsiyo ay soo jeedinayaan dhalinyarada aqoonyahanada ah ee ku dhaqan Gobolka Banaadir kuwaasi oo danaynaya in ay qeyb ka noqdaan Gobolka Banaadir.
Masuulka ugu sareeya Maamulka Gobolka ayaa tilmaamay in ay xiligan hayaan tiro dhan 32-dhalinyaro ah kuwaasi oo u sharaxan xilka gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in ay qorsheynayaan horaanta bisha soo socota in Muqdisho ay ku qabtaan doorashada Midowga Dhalinyarada Gobolka Banaadir.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments