Calendar

Maamulka gobolka Banaadir oo maanta hoolo shaqo ku tagay dagmadda shibis.

Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho kala shaqeyn doonaan amaanka xilli maanta koormeer shaqo isaga iyo  Xubno ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir oo uu horkacayay gudoomiyaha ay ku tageyn dagmadaasi

ku xiggeenka koowaad ee Maamulka gobalka banaadir Cali Axmed Guure ayaa waxa uu sheegay maamulka gobalka  uu wax badan ka qaban doono xaqiijinta amaanka degmadaasi oo uu tilmaamay inay ka muuqdaan burbur bahsan iyo raadadkii ay ku reebeen dagaaladii u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab,  

Cali Axmed Guure, gudoomiye ku xiggeenka koowaad ee Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu intaasi ku daray in burbur xooggan uu haatan ka muuqanayo Suuqa Maana Bolyo, isagoo tibaaxay in sidoo kale Maamulka gobolka uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo soo celinta adeegyada aas aaska u ahaa bulshada ku dhaqnaa dagmadaasi wuxuuna ugu baaqay dadka shacabka ah inay iska ilaaliyaan haradiga waxyaabaha qarxa .

Ugu danbeentii holaha shaqo ay maanta ay ku tageyn dagmada shibis Gudoomiye ku xiggeenka koowaad ee Maamulka gobalka banaadir oo ay wehliyeen xubno ka mid ah Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka gobolka isagoo wakiil ka ah uu ka codsanaayo sidii ay wada shaqey buxda ula yeshaan maamulka gobalka iyo shacabka dagmada  si loo xaqiijo  amniga dagmadaasi..

Xafiiska wararka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: