Calendar

Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta deeq raashin ah gaarsiiyay Naafada Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Bartamaha (Muqdisho) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta deeq rashin ah waxa uu gaarsiiyay naafada Ciidamada Xooga Dalka Soomalaiyeed oo dhibaata xagga nolosha ah ay haysatay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxa uud eeqda gudoonsiiyay qaar ka mida Madaxda sare Ee Naafada Xooga Dalka kuweaasi oo dhibaato nolosha ka haysatay iyadoo uu sheegay maamulka in ay tahay bixinta Fidrada Naafada.

Maxmed Cismaan Cali (Dhagaxtuur)gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay jaaliyadaha Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan naafada Ciidamada Xooga Dalka .

Gudoomiye Dhagaxtuur ayaa ah masuul inta badan deeq gaarsiiya Naafada Ciidanka Xooga dalka oo dagan dhismihii Isbitaalka Martiini Ee Muqdisho halkaasi oo dhibaato ay ku haysato naafada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: