Maamulka Gobolka Banaadir oo howl dayactir ah ka bilaabay wadada maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada).
Â
Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta howl dayac tir ah ka bilaabay wadada isku xerta Sayidka iyo Dabka Ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo burbur xoogan uu horey u gaaray.
Howlaha dayactirka ah ayaa maanta waxaa si rasmi ah u bilaabay gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxmed Cismaan Dhagaxtuur isagoo goobaha lamiga ah uu ka burbursan yahay uu gacantiisa uga bilaabay dhismaha.
Maamulka ayaa waxa ay shaqaale u kireeyeen howsha dayactirka wadada Laamiga ah iyadoo wadada maanta dhagax iyo laami dhiga lagu sameeyay ay tahay inta u dhexeysa dhismihii hoyga Umadda illaa isgoyska Dabka.
Dayactirka wadada ayaa waxaa saxaafada kala hadlay xilli uu howshaasi ku howlanaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxmed Cismaan cali Dhagaxtuur.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in wadooyinka burburay Ee Magaalada inta ay awooda ku gaaraan ay dayactir ku samaynayaan isagoo shacabka ugu baaqay in ay dhankooda howsha hagaajinta dalka ay ka galaan.
Howshan maamulka Gobolka ay ka wadaan wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay qeyb ka tahay howlo nadaafadeyn,dhimso laamiyada iyo jardiinada Muqdisho oo maalmulkaasi uu dhawaanahan waday.
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments