Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar Ku soo Rogay Gaadiidka leh Muraayadaha Madoow
MUQDISHO
Â
Gudoomiyuhu waxaa uu tilmaamay in ay bateen qaraxyada ismiidaaminta ah ee lagu fuliyo gaadiidka Muraayadaha Madoow  leh isla markaana ay ka qaadayaan tilaabo sharci ah cidii u hogaansami weysan ammarka ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir.
Â
Mar wax laga weydiiyay Gudoomiyaha  Ex Contarolka Afgooye Ee ay ciidamada dowlada lacagaha uga qaadaan gaadiidka ayaa waxaa uu tilmaamay in uusan waxba kala socon arintaas ee ay ciidamada dowlada lacagaha uga qaadaan gaadiidka kala duwan ee halkaasi isticmaala.
Â
In kastoo uu maamulka gobolka Banaadir mamnuucay gaadiidka leh muraayadaha Madoow ayaa hadana waxaa inta badan gacanta ku haya magaalada Muqdisho xoogaga ka soo hor jeeda dowalada kmg marka laga reebo xaafado kooban oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada,taasi oo aan la ogeyn sida ay magaalada inteeda kale uga hir galin karto amarkani maamula soo saaray.
Â
Horay ayaa amar sidan oo kale ah waxaa u soo saaray maamulkii ka horeeyay maamulkani ee uu hor kacayay Max’ed Dheere kaasi oo inta badan magaalada Muqdisho ka hir galay marka laga reebo goobo ay xiligasi ku sugnaayeen xoogaga ka soo horjeeday
Comments
comments