Calendar

Maamulka Gobolka Bakool oo sheegay in ay kaashanayaan Ajaanib si ay Gobolkaasi uga saaraan Alshabaab.

dow'Bartamaha(Bakool):-Maamulka Gobolka Bakool ayaa balan ku qaaday in ay kaashanayaan Ajaanib nuuc kasta ah si ay Alshabaab uga saaraan Gobolkaasi Bakool.

Gudoomiyaha maamulkii Dowlada Ee Gobalka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo saxaafada la hadlayay ayaa sheeca ka qaaday in dhawaan ay kaashanayaan Ciidan Ajaanib ah si alshabaab ay uga saaraan Deegaanada Gobolkaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Gobolka Bakool ay qabsadeen Koox Ajaanib ah oo dagaal ku soo qaaday Ciidamada Dowlada oo ay kala wareegeen guud ahaan Degmooyinka Gobolka.

Maxamed Cabdi Tool waxa uu sheegay in ay  helayaan Ciidamo Faransiis ah iyo kuwa Ethiopian ah oo ka xureynaya Gobolka Kooxda Alshabaab oo haatan haysata Deegaanada Gobolkaasi.

Hadalka Carada Xambaarsan ee ka soo yeeray Gudoomiyaha Bakool ayaa imaanaya xilli Degmadii ugu dambeysay ay ka baxday faraha Dowlada taasi oo ahayd Degmada  Ceel Barde

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: