Maamulka Goboleedka Puntland oo ka hadlay kulan ay la yeesheen Wafdi ka socday Midowga Reer Yurub .
Bartamaha(Gaal-kacyo):-Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay kulamo natiija leh ay la qaateen wafdi ka socday Midowga Yurub oo shalay soo gaaray gaal-kacyo.
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxtooyada Puntland Cali Barre oo saxaafada uga warbixinayay kulan ay yeesheen madaxweynaha Puntlnad iyo wafdi ka socday Midowga Reer Yurub.
Cali Bare ayaa sheegay in Wafdiga Midowga Yurub ay ahaayeen kuwa kormeer ahaa islamarkaana indha indheynayay xaalada ammaanka dhulka Puntland isagoo tilmaamay in ay go’aano ay wada gaareen labada dhinacÂ
Midowga Reer Yurub wafdiga ka socday ayaa la tilmaamay in ay dalbadeen sugitaan ammaanka xarun ay qorsheynayaan in ay ka furtaan maamulkaasi iyadoo Puntland ay arintaasi ogolaatay.
Afhayeenka ayaa inta badan ka gaabsaday su’aalo laga weydiiyay imaanshaha Wafdiga Midowga Yurub iyo xubnaha ay ka koobnaayeen isagoo ku baasaday in ay ka wada hadleen danaha maamulkaasi iyo mIdiwga Yurub.
Wafdiga ka socday Midowga Reer Yurub ayaa balan qaaday in ay samaynayaan mashruucyo hormarin ah oo laga samaynayo dhulka ammaanka ah Ee Puntland sida ay labada dhinac isku afgarteen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somlalia
Comments
comments