Calendar

Maamulka Gal-Mudug oo la wareegay 50-Gaari oo WFP rashin u saarnaa.

wwwBartamaha(Gaal-Kacyo):-Maamulka Gal-Mudug ayaa shaaca ka qaaday in ay la wareegeen in ka badan 50-Gaari oo raashin u siday WFP kuwaasi oo in mudda ah ku xayirnaa Magaalada Laascaanood.

Madaxa Ammaanka Maamulka Gal Mudug Khaliif maxamed oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in ay si ammaan ah ula wareegeen gawaaridan gaaraysa  580-ka gaari oo safar dheer u soo galay sidii ay Gobolada dhexe iyo Gaalkacyo u imaan lahaayeen.

Sargaalkaasi u hadlay maamulka Gal-Mudug ayaa waxa uu xusay in ay sugayaan in ka badan 80-gaari oo kale oo ay raashin ku soo rartay WFP kana soo dajisay dakada Barbera.

Maamulka Gal Mudug ayaa waxa ay sheegeen in ay gawaaridaasi raashinka u sida WFP la gaarsiin doono Gobolada dhexe ee soomaaliya si dadka baahan lo gaarsiioyo raashinkaasi gurmadka ah.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay dhawaanahn isku tuurtuurayeen masuuliyada gawaarida lagu xayiray magaalada Laascaanood.

Maamulka Gal Mudug ayaa waxa ay sheegeen in aanay masuul ka ahayn dhankooda raashinta inta uu ku xayirnaa magaalada laascaanood balse ay xiligan qaadayso masuuliyada raashinkaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: