Maamulka dowlada KMG ah u qaabilsan gobolka Bay oo si kulul u beeniyay dhibaatooyin ciidamadooda lagu eedeeyay in ay ka gesyteen Gobolka Bakool.
Bartamaha(Muqdisho):-Gudoomiyaha Gobolka Bay C/fitaac Maxmed Ibraahim Geesey oo saxaafada la hadlayay xilli uu ku sugnaa duleedka Deegaanka Ceel-Barde ayaa waxa uu shaaca ka rogay in aanay waxba ka jirin dhac iyo dhibaatayn lagu eedeyay Ciidamada maamulkiisa in ay ka geesteen Deegaanka Yeed Ee Gobolka Bakool.
C/fitaac Maxmed Geesey ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay ku wajahanyihiin dhammaan goobaha ay ku suganyihiin islaamiyiinta Mucaaradka ah balse aanay ciidankooda wax dhibaata ah ka geysan gobolka Bakool.
Geesey Gudoomiyaha Gobolka Bay ayaa been aan sal iyo rad toona lahayn ku tilmaamay hadal dhawaan ay baahiyeen idaacadaha FM-ka ah ee dalka kuwaasi oo soo xiganayay duqwda Deegaanka Yeed Ee Gobolka Bakool kuwaasi oo ka cabanayay dhac iyo dilal ay geesteen Ciidamada dowlada oo la socday kuwa Itoobiya.
Masuulkaasi ka mida sarakiisha hormuudka ka ah ciidamada dhaqdhaqaqyada ka waday maalmihii la soo dhaafay tuulooyin ka mida Gobolka Bakool isagoo si weyn iskaga difaacay eedeymaha magaciisa ku socday maalmihii la soo dhaafay.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments