Calendar

Maamulka Degmada Wala-Weyn oo ka hadlay Xaalada degmadaasi oo maalmihii la soo dhaafay qasnayd.

Bartamaha(Wala-Weyn):-Maamulka Degmada Wala-Weyn ayaa shaaca ka qaaday in Xaalada guud Ee Degmadaasi ay tahay mid dagan howlgaladiina la soo afjaray.
Taliyaha Ciidamada Ammaanka Degmada Wala-Weyn ayaa sheegay in ay soo afmeereen howlgaladii ay ka wadeen Degmada Wala-Weyn islamarkaana ay qabteen kooxo qas ka waday degmadaasi.
Taliyaha Ciidamada Ammaanka Wala-Weyn Sheekh Aadan Macali Muuse ayaa waxa uu sheegay in jawiga deeganka uu yahay mid xasiloon islamarkaana ay xabsiga dhigeen kooxo nabadda ka soo horjeeday.
Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in ay dhinteen laba dhalinyara ah oo isku dayay in ay boobaan hantida ganacsatada xilli laga kala cararay suuqa Degmadaasi xiliganna xal ay ka gaareen dilka raggaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: