Calendar

Maamulka Degmada Wadajir oo xabsiga dhigay Macalin Dugsi oo ardaydiisa Alshabaab ku wareejiyay.

axmd daaciBartamaha(Muqdisho):-Maamulka DFegmada Wadajir Muqdisho ayaa xabsiga dhigay Macalin Dugsi qur’aan oo ardaydiisa ku wareejiyay Kooxda alshabaab si ay dagalada uga qeybgalaan.

Maamulka Degmada Wadajir ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay nin Macalin ah oo u xeran maamulkaais markii la ogaaday in uu qaar badan oo ka mida ardaydiisa uu alshabaab ku daray.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho ayaa daaha ka qaaday in ay xereen Macalin Dugsi oo arday badan ku wareejiyay Kooxda Alshabaab si ay uga qeybgalaan dagaalada.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow “Axmed Daaci” waxa uu cod dheer ku yiri waan laynaynaa Macalimiinta Ardayda luminaysa oo Alshabaab iyo kuwa wax dila ku daraya.

Gudoomiyaha  ayaa u jeediyay dhammaan madaxda Dowlada in ay kala wareegaan Ninkaasi macalinka ah oo qalad cad ka galay Degmada Wadajir iyo guud ahaan Waalidiinta caruurtooda laga watay oo Alshabaab loo geeyay.

Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: