Calendar

Maamulka Degmada Dharkenley oo cambaareeyay qarax Xalay ka dhacay Degmadaasi.

Qarax miinoBartamaha(Muqdisho):-Maamulka Degmada Dharkenley Gobolka Banaadir ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qarax qasaara sababay oo xalay lagu tuuray dhalinyaro daganayd Degmadaasi.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay 4-wiiol oo dhalinyara ah iyadoo 9-kale ay ku dhaawacmeen ka dib markii Koox aan la garean ujeedkeeda ay bam gacmeed ku tureen goob ay ku shaahayeen dhalinyaro Deegaanka ah.

Dadka dhintay ayaa waxa uu maamulka Degmadaasi ku sheegay in ay ahaayeen kuwa isugu jiray Arday,dhalinyaro Sports iyo kuwa Darawalo gawaari ah.

Gudoomiyaha Degmada Dharkenley Maclin Cabdulle ayaa sheegay in uu ka xunyahay sida ay wax uga dheceen Degmadiisa isagoo fal naxdin leh ku sheegay qaraxaasi ka dhacay Isgoyska Nuur adduunyo.

Maamulka ayaa waxa ay wacad ku mareen in ay dilayaan dhammaan dhalinyarada ku lugta leh qaraxyada habeenadan ka dhacayay Degmadaasi dharkenley.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: