Calendar

Maamulka Degmada Balad-Xaawo oo mamnuucay Xaalufinta lagu hayo dhirta

dhirtaBartamaha(Balad-Xaawo):-Maamulka Xarakada Alshabaab Degmada B/Xaawo Ee Gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in ay talaabo ka qaadayaan ciddii ay ku soo qabtaan jarida dhirta.

Gudoomiyaha Xarakada Alshabaab Degmada B/Xaawo oo warfidiyeenada kula hadlayay gudaha Degmadaasi ayaa waxa uu sheegay in ay talaabo ka qaadi doonaan ciddii ay ku helaan jarida dhirta iyo ka samaynta dhuxusha intaba.

Gudoomiyaha Degmada B/Xaawo Sheekh Daa’uud Gaarane ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo ay u xil saareen la dagaalanka kooxaha jarida ku haya dhirta islamarkaana dhibaatada u keenaya cimilada Gobolka.

Maamulka ayaa waxa ay ugu hanjabeen ciddii ay ku soo helaan jarida iyo dhoofinta dhirta in ay qaadan doonaan dhammaan hantidiisa maadaama ay dhibaato galinayaan cimilada guud Ee gobolkaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: