read more »">
Calendar

Maamulka Dakada Muqdisho oo ka jawaabay warar la faafiyay (War-saxaafadeed).

war saxaafadeedBartamaha (Muqdisho):- Maamulka Dakada Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay warar sheegaya in Khilaaf maamuleed loo xeray shaqada dakada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Maamulka dakada Muqdisho ayaa lagu cadeeyay in Maamulka dakada aanu wax Khilaaf ah ka dhexeynin.

WAR-SAXAAFADEED:-

Ref: MDM/XM/215/010 Date: 05-12-010

XAFIISKA MAAREEYAHA DEKEDDA MUQDISHO

WARSAXAAFADEED

Sida aad la socotaan Maalmahaan waxaa soo ifbaxaya Warar is khilaafsan oo la xariira howl maalmeedka Dekadda, wararkaas oo gaaray ilaa heer Saxaafadda la gaarsiiyo.

Haddaba, si loo ogaado xaqiiqdu waxa ay tahay ayuu Maamulka Dekadda Muqdishu go’aansaday in uu soo saaro Warsaxaafadeed la xariira dhacdada maalmaahaan ka jirtay Dekadda Muqdishu,

SABABAHA DHALIYAY WARARKA IS KHILAAFSAN:

Taariikhdu markay aheed 13/11/2010 Maamulka Dekadda Muqdishu oo la tashaday dhammaan waaxyaha Dekadda iyo Shirkadaha ay khusayso wuxuu soo saaray wareegto ku saabsan habsami u socodka howlaha dekadda,

1- Wareegtadu waxay tilmaamaysay habsami u socodka howlaha Dekadda.
2- Diiwaangelinta Xoogsatada ka xoogsata Dekadda Muqdishu.

Sida la ogyahay howlkasta oo la damco in la saxo waxay yeelataa dad doonaya in ay ka faa’iidaystaan islamarkaana u tarjumaya xumaan iyo dhaleecayn Maamul.

Haddaba, Maamulka Dekadda Muqdishu wuxuu si cad u qeexayaa inuu fulinayo howlihii Qaranku u xilsaaray asagoo dhowraya shuruucda iyo Xeerarka u degsan guud ahaan Dekadaha gaar ahaan Dekadda Muqdishu waxaana ka go’an inuu saxo khalad kasta oo ka jira howlaha Dekadda ayadoon cidna lagu samaynayn xadgudub.

Maamulka Dekedda waxaa ka go’an in uu hubiyo Xoogsatada Dekedda Muqdisho & Hay’adaha la midka ah ay helaan xuquuqdooda shaqo sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana marnaba la aqbali karin in xquuqdooda logu maamulo Nidaam khilaafsan Nidaamka Dekedaha & kan Dalka.

Maamulka Dekadda Muqdishu wuxuu si buuxda u damaanad qaadayaa in Xoogsatada Dekedda & Hay’adaha la midka ah ay Xuquuqdooda heli doonaan isla marka ay dhammaystaan howl Maalmeed kooda shaqo.

Waad Mahadsantihiin

Xafiiska Maareeyaha Dekedda Muqdisho

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: