Calendar

Maamulka ALshabaab Wala-Weyne oo amaro dul dhigay Bulshada ku dhaqan Degmadaasi.

00000Bartamaha(Wal-Weyne):-Maamulka Xarakada Al-shabaab Degmada Wala-Weyn ayaa sharci adag dul saaray ganacsatada iyo dadka Degmadaasi.

Xarakada Alshabaab maamulkeeda ayaa waxa ay ganacsatada ku amreen in laga saaro suuqyada dhammaan waxyaabaha nadaafada wax u dhimaya.

Maamulka ayaa waxa ay ganacsatada Khudaarta iyo kuwa qaadka ku amreen in ay dagaan duleedka wadada laamiga ah si nadaafada loo ilaaliyoi.

Dhanka kale waxa ay shacabka saareen amar ah in aanay wadooyinka ku tuuri kari walxaha soo hara sida qobka Mooska,Canbaha iyo dhammaan waxyaabaha nadaafada wax u dhimaya.

Ganacsatada wadada Laamiga ah ayaa lagu amray in ay burburiyaan dhammaan mehradaha ganacsiga eek u yaala hareeraha wadooyinka Degmadaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: