Calendar

Maamulka Alshabaab Sh/Hoose oo shaaca ka qaaday in ay ka qeybqaadanayaan dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho.

aslahabababaBartamaha(Marka):-Maamulka Xarakada Alshabaab Sh/hoose ayaa  waxa ay sheegeen in ay ka qeybqaadayaan dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho iyagoo canbaareeyay xukunka Dag-daga ah Ee Dalka lagu soo rogay.

Maamulka Magaalada Marka ayaa waxa ay sheegeen in ay Ciidamo ka qeybqaata dagaalada Muqdisho iyo gobolada ay diyaariyeen islamar’ahaanataana ay u dirayaan deegaanada dagaalada ay ka socdaan.

Xarakada Alshabaab Magaalada Marka ayaa waxa ay sheegeen in ay ka xunyihiin go’aankii dhawaan baarlamanka soomaaliya uu ansixiyay kaasi oo ku aadanaa dhaqangalinta sharciga dag-daga ah.

Maamulka ayaa waxa ay go’aankaasi ku tilmaameen mid sharci darra ah islamar’ahaanataana lagu doonayo in lagu xalaashado hantida shacabka soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay Ee Maamulka Alshabaab Sh/Hoose ay sheegaan in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka dagaalada ka socda magaalada Muqdisho xilli gobolkaasi deegaanada ay ka jogaan xaaladooda ay tahay mid xasiloon.

Xafiiska Bartamaha wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: