Maamulka Alshabaab Sh/Hoose oo dhalinyarada ka dalbaday in ay ka qeybgalaan dagaalada Muqdisho.
Bartamaha(Marka):-Maamulka Kooxda Alshabaab Sh/Hoose ayaa shalay meel fagaara ah ka jeediyay hadal ay dhalinyrada uga dalbanayaan ka qeybgalka dagaalka Muqdisho.
Saraakiisha sare ee Alshabaab Sh.Hoose ayaa dalbaday in ay dhalinyarada is diiwaan galiyaan si ay uga qeybgalaan dagaalada ka socanaya Magaalada Muqdisho.
Dhalinyarada ayaa loo sheegay in Jihaadka xiligan socanaya uu yahay mid Waajib ah oo dhammaan looga baahanyahay in ay ka qeybgalaan iyagoo ku qanacsan howshaasi.
Fariinta maamulka ALshabaab Sh.Hoose u jeediyay ayaa waxaa ku jiray in maalmaha soo socda loo baahanyahay dhalinyaro Fidaa’iyiin ah ama Naftood Hurayaal ah oo ku biira dagalada ka dhacaya Muqdisho ama gobolada kale.
Hadalka ay u jeediyeen Saraakiisha Alshabaab dhalinyada dagan Gobolkaasi Sh.Hoose ayaa imaanaya xilli dagaalo qaraar ay ka dhacayaa Magaalada Muqdisho oo ay ka qeybgalayaan dhalinyaro laga kala keenay Gobolada Dalka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments