Maamulka Alshabaab Sh.dhexe oo shaaca ka qaaday in ay xal ka gaarayaan beelo isku haya Xadka Hiiraan iyo Sh/dhexe
Bartamaha (Jowhar) Maamulka Xarakada Alshabaab Sh/dhexe ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ay isku howlayaan xal u helida xiisada dagaalada ee ka taagan xad wadaaga Hiiraan iyo gobolkaasi.
Masuuliyiin ka mida Xarakada Alshabaab Sh/dhexe iyo Ciidamadooda ayaa u dhaqaaqay dhanka Gobolka Hiiraan iyadoo ay wada hadalo la soo qaadanayaan Odayaasha iyo Saraakiisha Gobolkaasi.
Qabanqaabada wada hadalo la dhexdhigo labada beel ayaa waxa ay ka socanayasaa labada Maamul Ee Alshabaab jalalqsi Hiiraan iyo Alshabaab Jowhar Sh.dhexe sida uu cadeeyay sargaal u hadlayay Xarakada Alshabaab Sh.dhexe.
Xaalada Deegaanada dhaca xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo sh/dhexe ayaa dhawaanahan waxaa ka taagnaa dilal iyo dagaalo qabiil oo inta badan ku soo noqboqda Goboladaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments