Maamulka Alshabaab oo amaro dul dhigay dadka ku dhaqan Degmada Warshiikh Ee Gobolka Sh/dhexe.
Bartamaha (Warshiikh) Maamulka Xarakada Alshabaab Degmada Warshiikh ayaa soo saaray amaro ay ku soo rogeen shacabka ku dhaqan Degmadaasi ka dib markii dhawaan ammaanka ay la wareegeen.
Madaxa Amaanka Xarakada Al-shabaab Warshiikh Sheekh C/raxmaan Sheekh Cali Yare (Aw-Cabdule) ayaa saxaafada u sheegay in dadka degmadaasi la faray in ay qaataan ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Amarada ayuu sheegay in ay yihiin kuwa dhaqanka bulshada wax looga badalayo islamarkaana haweenka lagu faray in ay xijaabka qaataan dhalinyaradana Foodaha ay iska jaraan.
Amarada ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa in dhammaan la xero goobaha ganacsiga xiliyada salaada islamarkaana salaada xiliyada ay soo gasho laga oogo dhammaan Degmadaasi.
Waa amaradii ugu horeeyay oo alshabaab ay ku soo rogaan dadka ku dhaqan Degmadaasi Warshiikh iyadoo taasi ay imaanayso ka dib markii dhawaan si nabad ah alshabaab ay kula wareegaan Deegaankaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments