Calendar

Kismaayo: Maamulka Alshabaab oo baadi goobaya cida dishey taliyahooda dhobley

a1a1a1Bartamaha(Kismaayo):-Ciidamada Alshabaab ayaa weli wada baadi goobka Kooxdii dishay Taliyihii Alshabaab Degmada Dhoobley iyadoo Maamulka ay Wacad ku mareen soo qabashada ragaasi.

Waaliga Wilaayada Alshabaab Jubada Hoose  Sheekh Abuukar Cali Aadan oo markii ugu horeysay Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay soo qabanayaan Kooxda dishay Taliyahii Alshabaab Dhoobley.

Waaliga Alshabaab ayaa waxa uu intaasi ku daray in Ciidamada ay wadaan baadi goobka kooxda dishay Sargaalka oo looga shakisanyahay in ay ku dhuumaalaysanayaan gudaha Magaalada.

Kooxda dilka ka geysatay Gudaha Kismaayo ayaa waxa ay ahaayeen dhalinyaro Bistoolado wadatay oo ku dhex dhuuntay shacabka xiliga ay dilka geysteen ka dib wallow aanay Ciidamada illaa haatan ku guulaysan qabashada ragaasi.

Howlgal maanta ay Cidiamada Alshabaab ka wadaan Gudaha Xaafadaha Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku qabqabteen dad laga shakisanyahay oo aan lagu hubin in ay dilka geysteen.

Dilka Xalay ka dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu dhabar jab xoogan ku yahay Maamulka Cusub ee Alshabaab Kismaayo iyadoo Magaaladaasi ay joogaan Saraakiil sar sare oo ka mida Xarakada Alshabaab.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: