Maamulka Alshabaab Gobolka Gedo ayaa cafis u fidiyay dhinacyada Dowlada raacsan Eek u sugan Doolow.
Bartamaha (B/Xaawo) Maamulka Xarakada Alshabaab Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay cafis ay u fidiyeen Ciidamada taageersan Dowlada Fd Soomaaliya Ee klu sugan Deegaanka Doolow.
Sheekh Cismaan Maxamed Cabdi Gudoomiye ku xigeenka Xarakada Alshabaab Gobolka Gedo oo saxaafada kula hadlayay Degmada B/Xaawo ayaa waxa uu sheegay in ay cafis u fidiyeen Ciidamada ku sugan Doolow bisha Barakaysan Ee Ramadaan fadligeeda.
Sheekh Cismaan Maxamed ayaa tilmaamay in Ciidamada ku sugan Doolow looga baahanyahay in ay soo gaaraan Deegaanada ay ka taliyaan Xoogaga Islaamiga ah islamarkaana ay si nabad ah ay isku soo dhiibaan.
Masuulkaasi Alshabaab u hadlayay ayaa waxa uu wacad ku maray in Deegaankooda ay difaacanayaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan isagoo cafiska ay fidiyeena ku nsheegay mid muddo kooban leh.
Ma aha markii ugu horeysay oo Xarakada Alshabaab Gobolka Gedo ay ku dhawaaqaan cafis ay u fidinayaan Ciidamada Dowlada iyadoo xilli hore ay isku soo dhiibeen saraakiil iyo Ciidamo dowlada ka tirsan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments