Maamulka Alshabaab Gobolka Bay oo wacad ku maray in ay beegsan doonaan Madaxda Dowlada Gobolada Bay iyo Bakool .
Bartamaha(Baydhabo):-Maamulka Kooxda Alshabaab Gobolada Bay iyo Bakool ayaa waxa ay sheegeen in ay si gaar ah u beegsan doonaan Masuuliyiinta Dowlada iyo kuwa gacansaarka la leh maamuladii Goboladaasi.
Sheekh Xasan Deerow Taliyaha ciidanka Mamulka Alshabaab gobolada Bay iyo Bakool ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabo cad ay ka qaadi doonaan Saraakiisha iyo Madaxda dowlada iyo dadka xiriirka la wadaaga intaba.
Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in ay toogan doonaan dhammaan dadka la shaqeeya dowlada iyo kuwa xiriirka la leh isagoo sheegay in dhawaan nin dowlada la shaqeynayay lagu dilay Deegaanka Rabdhuure .
Hadalkan ayaa noqonaya mid si cad loogu baneystay dhiiga dadka la shaqeeya Dowlada Soomaaliya iyo kuwa xiriirka la wadaaga intaba taasi oo dhalin karta dilal qorsheytsan oo si joogta ah uga dhaca Gobolada Bay iyo Bakool.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments