Calendar

Maamulka Alshabaab Ee Deegaanka Baardheere ayaa bilaabay in ay burburiyaan Qabuuraha ay ku aasan yihiin culima can ka ah gobolkaasi Gedo.

wadadado1Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka Islaamiyiinta ee kooxda Alshabaab ee ka dhisan deegaanka Baardheere ayaa waxa ay halkaasi ka bilaabeen howlo ay ku burburinayaan Qabuuraha dhisan ee dadku ay ku aasanyihiin.

 

Ciidamada Kooxdaasi ayaa waxaa ay xoog ku galeen Mowlac iyo Masjid ku yaala deegaankaasi Baardheere kaasi oo ay ku aasnaayeen Culumo ay dadku qabuurtooda booqdaan sida Sheekh Ibraahim Warsame oo Muddo Qarni ku dhow ku aasnaa masjidkaasi dhulka lala simay.

 

 

Sidoo kale kooxdan Alshabaab ayaa waxa ay burburisay qabuuro ku yaala Masjidka Cali Bin Cali kaasi oo uu ku aasnaa wadaadka magacaasi leh kaasi oo ay dadka reer Baardheere iyo deegaanada la dereska ah ay gabi ahaanba iyana ay burburiyeen.

 

Howlgalkaasi ayaa masuliin kooxda Alshabaab u hadashay waxa ay sheegeen in ay sii wadayaan isla markaasina ay ku burburinayaan gobo ay sheegeen in Munkar lagu samayn jiray iyo Shirkiga Allaah sida uu ku dooday Sheekh c/qaadiy sh.Yuusuf oo ka mid ahaa saraakishii horkacaysay howlgalkaasi.

 

Howlgaladan lagu burburinayay Qabuuraha dadka ay booqdaan ayaa waxa uu ka socday mudooyinkii la soo dhaafay goobaha ay Alshabaab ka arimiyaan kuwaasi oo ay ka horkeentay in ay la dagaalaan kooxda Ahlu Sunnah Wal-jamaaca.

 

 

Xarunta Wararka Xaqiida ah www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia.

 

 

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: