Calendar

Maamulka Alshabaab Degmada B/Xaawo oo shaaca ka qaaday in ay wadaan ololo ammaanka wax looga qabanayo.

Sh Aadan Nuux oo ah gudoomiyaha cusub copyBartamaha(B/Xaawo) Maamulka Islaamiga aha Ee Degamada B/Xaawo ayaa sheegay in ay wadaan qorshe xagga ammaanka Deegaanada hoosyimaada Degmadaa wax badan looga badalayo.

Sheekh Aadan Nuux Gudoomiyaha Degmada Balad-Xaawo Ee Gobolka Gedo  oo Saxaafada kula hadlayay Degmadaasi ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadooda ay wadaan qorshayaal ammaanka wax looga badalayo .

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ammaan daro laga soo sheegayo qeybo ka mida Degmadaasi B/Xaawo isagoo sheegay in ay baaritaano ku wadaan kooxo ay ku soo qabteen falal dinbiyeedyo kala duwan .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamada Xarakada Alshabaab ay u boqooleen duleedyada Degmada B/Xaawo si ay u baadi goobaan kooxo dhawaan dhac u geystay gawaari dhanka woqooyi magaalada uga baxday.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan dhibaatooyin ka taagan dhanka nolosha taasi oo la soo derestay shacabka ku nool tuulooyinka B/Xaawo hoosyimaada isagoo ku baaqay in Shacabka soomalaiyeed ay taakuleeyaan dadkaasi inta bisha Ramadaan lagu jirto.

Xafsiika Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: