Maamulka Alshabaab Baardheere oo boosas siiyay ganacsato dhawaan laga burburiyay suuqa Degmadaasi.
Bartamaha(Baardheere):-Wayaalada Islaamiga ee gobolkaasi Gedo ayaa waxay siisay boobsas dadkii dhawaan goobahooda gacansiga sida sharci darada ah ugu dhisnaa suuqa weyn ee Baardheere ay ka burbursay maamulka gobolkaasi ka dib markii amaro ay ka soo saareen.
Waxaa markii ugu horeysay walaayada islaamiga ee gobolka Gedo ayaa  waxa ay ka warbixisay dhulal boosas ah oo la siinayo dadkii dhawaan laga burburiyay goobihii shaci darada ah ay ku ganacsanayeen.
In kabadan 200 rayid ah gaar ahaana oo goobo sharci dara ah ku lahaa gudaha suuqa Baardheere ee gobolkaasi Gedo laga burburiyay ayaa waxaa la siiyay boosas weyn oo ka tirsan degmada Baardheere kuwaasi oo qofkasta loo gooyay 2 miter si uu ugu ganacsado.
Madaxa arimaha bulshada ee walaayada islaamiga ee gobolka Gedo isla markaana ah madaxa maaliyadda Sheekh C/fataax Xaaji C/llaahi ayaa waxa uu sheegay in dadkii dhawaan goobahooda gacansiga ah laga burburiyay ay siyeen boos weyn oo magaalada ku dhex yaala kaasi oo qofkasta 2 miter looga gooyay uu ku ganacsankaro.
Dadkani ayaa ah dadkii ku ganacsan jiray gudaha suuqa weyn ee Baardheere kuwaasi oo goobo sharci dar ah noqday goobihii hore lana guuriyay iminka la siiyay dhulal wanaagsan oo magaalada ku yaala oo ay ku gancansankaraan.
Shacabka iyo ganacsatada gobolka Gedo ayaa waxa ay si aad ah u soo dhaweeyeen arintani boosas siinta ah oo maamulka islaamiga uu siiyay dadkii dhawaan boosaskoodii laga kiciyay oo sharci daro noqday,hadda la siiyay goobo cusub ay ku ganacsankaraan oo isla magaalada Baardheere ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments