Calendar

Maamulka Ahlu Sunnha Wal Jamaaca Gobolada Dhexe oo Jawaab ka bixiyay hadal uu jeediyay Madaxweyne Shariif.

sheekh maxamed faaraxBartamaha(Caabud-Waaq):-Maamulka Culimada Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga xumaadeen hadal uu Jabhad ku tilmaamay Madaxweynaha Kooxda Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolada dhexe Ee Ahlu-Sunnah Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo shirjaraa’id ku qabtay Degmada Caabud-Waaq ayaa waxa uu jawaab cara xanbaarsan ka bixiyay hadal shalay uu BBC-da laanta Soomaaliga uu siiyay Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa Culimada Ahlu-Sunnah la meel dhigay Koox Jabhad ah oo wada ta Magaca Shareecada Islaamka sida Xizbul Islaam iyo Alshabaab taasi oo ka caraysiisay Maamula sare Ee Ahlu-Sunnah Wal Jamaaca.

Gudoomiyaha Ahlu Suunah Sheekh Cumar Sheekh Maxmed Faarax ayaa tilmaamay in arintaasi ay tahay mid laga xumaado islamarkaana ay go’aansadeen in ay ka fiirsadaan taageerida Dowlada Madaxweye Shariif.

Ahlu-Sunnah ayaa balan qaaday in aanay marnaba la shaqeyn doonin Dowlada Madaxweyne Shariif iyagoo muddo 48-Saacadood u qabtay in uu raali galin ka bixiyo hadalkaasi uu siiyay BBC.

Gudoomiyaha Ahlu Suuna ayaa ugu danbayntii ugu baaqay gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ra’iisul Wasaaraha in ay arintaasi dhankooda ka hadlaan haddii aanay ka hadlina ay keeni karto xiriirka iskaashi oo go’a maadama aflagaado loo geystay sida ay sheegeen Culimada Ahlu Sunnah Wal Jamaaca.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: