Galgaduud(Bartamaha) Ahlu sunna ayaa cambeereeyey weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho oo uu xiligan ka socdo dagaal goos goos oo dhexmaraya kooxda Hotelka qabsatay iyo Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyaha golaha fulinta ahlu sunna waljamaaca Macallin Maxamed Axmed ayaa cambaareeyey weerarka qorsheysan ee AL-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha golaha fulinta Maamulka ahlu sunna ayaa ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya iney xaqiijiso amniga Hotelada magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya,Macalin Maxamed Axmed ayaa tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii ku dhintay weerarka Hotel Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Macallin Maxamed Axmed Gudoomiyaha golaha talada ahlu sunna ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney u midoobaan la dagaalanka Al-shabaab oo uu sheegay iney caadeysteen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Guriceel Bartamaha
Comments
comments
0 comments