Maamulka ahlu suna oo soo dhaweysay go,aanka uu qaatay r/wasaaraha soomaaliya farmaajo.
Shirjaraaid uu maanta kula hadlay saxaafada abuu yuusuf al qaadi ayaa sheegay iney Tagersanyihiin go,aankii uu gaaray r/wasaaraha soomaaliya max,ed c/llaahi farmaajo oo ahaa Inaan is casilidoonin ilaa uu barlamaanka shaqadda ka fadhiisiyo.
Madaxa warfaafinta culimada ahlu suna Abuu yuusuf al qaadi ayaa shirkiisa jaraaid ugu hadlay Arimo dhor ah oo ay ka mid tahay mooqifka ahlu suna uu ku garab istaagay r/wasaaraha oo Go,aan ku gaaray inaan shaqada ka tagi doonin ilaa uu barlamaanka cod u qaado afayeenka ayaa Sheegay inuu yahay nin wax badan dalka ka qabtay isbadalna keenay r/wasaaraha.
Wuxuu xusay iney shacabka ka dhiidhiyeen taagerada ay u hayaan r/wasaaraha soomaaliya Wuxuu si cad ugu digay caburinta shacabka oo ku sheegay iney fikirkoodda cabirayaan hadii loo Diido aan marnaba aan la aqbalikarin arintaas ayuu yiri abuu yuusuf al qaadi.
Sidoo kale Waxa uu shirkiisa jaraaid ku soo hadal qaaday dilikii loo gestay fazul cabdalla oo ahaa u Qaabilsanaha al qaacida geska Africa oo sheegay in dilkiisa laga danbeeyay waa nin la shirqoolay Waxana ka danbeeyay ayuu yiri axmed godane
Waxa uu sabab ugu dhigay abuu qaadi in la damacsanaa in godane laga qaado xilka uu ugu Qaabilsanyahay al qaacida soomaaliya waxaana la qorsheynaayay in xilkaas laga tuuro Sabaabtaas ayuu u shurqoolay fazul cabdalla.
Ugu danbeentii wuxuu madaxda sarsare ka codsaday inaan isqabqabsi wax soo kordhineyn Wuxuu ugu baaqay in dagaalka lasiiwado lana hol giliyo ciidamada si ay u soo afjaraan al shabaab.
Comments
comments