Calendar

Maamuladda Puntland Iyo Galmudug Oo Heshiis Ka Gaaray Colaad In Muda Ah Dhextiilay

Puntland Iyo GalmudugMuqdisho (www.Bartamaha.com ):-Waxa maanta magaaladda Muqdisho Heshiis lagu soo dhameenayo colaada ka dhextaala Maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ku gaaray Madaxweynahayaasha labadaasi maamul

Labada Madaxweyne oo ka qayb galeya shirka maalintii labaad ka socda magaaladda muqdisho ayaa gaaray heshiis soo afjaraya Khilaaf u dhaxeeyey Labada Maamul oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay Madaxweynayaashooda Warbaahinta isku dhaafsanayeen hadallo Colaad u muuqday.

Heshiiska ayaa waxa uu ka dhacay madashii uu ka socday Shirka Wadatashiga Soomaalida oo ah dugsiga Xalane waxaana goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo Wakiillo ka socday Q.M oo uu hogaaminayey ergeyga Xoghayaha gud ee Q.M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Agoustine Mahiga.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi raxcmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ka hadlay goobtii lagu qabtay kulanka ayaa ballan qaaday inuu diyaar u yahay maamulkiisa inuu kala kaashado maamulka Galmudug sidii looga hortagi lahaa dadka ka shaqeynaya nabadgelyada deegaannada ay wada maamulaan

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo isna ka hadaly goobta ayaa xusay inay si wadajir ah uga wadashaqeyn doonaan xasilinta deegaannada ka dhexeeya labada maamul islamrkaasna ay aqbaleen heshiiska la dhex dhigay labada maamul.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’isulwasaaraha Dalka Mudane Cabdi weli Maxamed Cali oo iyana madashaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyay labada Madaxweyne sida wanaagsan oo ay u muujiyeen soomalainimada ayagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan xiriirkooda.

Labada dhinac ayaa isku eedeeyay dhinac kasta in uu hurinaayo kana dambeeyo dagaaladda ka socda waqooyiga magaaladda Gaalkacayo oo ay ku dhinteen 40 qof halka ugu yaraan 100 kalena ay ku dhaawacmeen

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

 

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: