Maamul Kismaayo Oo Dhulka la simay Taalooyin Ku yaalay Gudaha Magaalada Kismaayo Ee Xarunta G/jubbada Hoose.
Bartamaha(Kismayo):- Maamulka islaamiga ee hoostaga xarakatul shabbabul mujaahidiin ee ka arimiya magalada xeebta leh ee kismaayo ayaa waxa uu bilaabay howlgalo uu ku bur burinaayo taalooyinka ku yaalo gudaha magalada kismaayo ee xaraunta Gobbalka Jubbada Hoose ayadoona uu maamulka ku tilmaamay in taalooyinka ay yihiin kuwo aan sharci ahayn oo kasoo horjeedo shareecada islaamka’waa sida uu maamulku sheegay’’
Qaar ka tirsan mas’uulyiinta maamulka kismaayo iyo ciidamada ayaa maanta la gu arkayay meelaha ay taalooyinka waaweyn ay ku yaalaan ee gudaha magalada kismaayo kuwaasoo wato qalabka loogu talagalay in wax lagu bur buriyo
 Madaxa ladagaalanka Shirkiyaadka Maamulka Xarakatul shabbabul mujaahidin ee kismaayo ‘’Sheeq Saciid karateey’’ ayaa sheegay in howlgaladan ay socon doodaan islamarkaana ay ciidamadooda iyo shaqaalahuba ay ku wareegi doonan guud ahaanba magalada kismaayo
Taalooyinka maanta la bur burinaayo waxaa kamid ah taalada ugu wayn magalada kismaayo ee ”Maxamed Jaamac’’oo ku dhex taalo beerta xuriyada magalada kismayo agagaarka saldhiga dhaxe ee magalada kismayo
shaqaalo sitay qalabka wax lagu burburiyo iyo baldoos ka qeybqadanayay burburinta ayaa saaka lagu arkaayay beerta xoriyadda magaalada kismaayo waxaana goobta ku sugnaa dadweyne badan oo daawanayay qaabka loo burburinayo dhismhaasi qadiimiga ah ee taalada caanka ah ee loo yaqaan “Maxamed Jaamac†waxaana goobta joogay mas’uuliyin ka tirsan maamulka xarakatul shabbab almujaahidiin ee kismaayo
Ma ahan markii ugu horaysay ee uu maamulka islaamiga ah ee kismayo uu sameeyo howlo lagu bur buriya dhismooyinka qadiimiga ah ee ku yaal gudaha magalada kismayo hasayeeshee waxaa xusid mudan Sanadkii lasoo dhaafay in ay maamulku burburiyay guud ahanba kaniisadii caanka ahayd eek u taali jirtay nawaaxiga beerta xoriyadda ee magaalada kismaayo.
Â
Wararka Xaqiiqda ah kala soco www.Bartamaha.com
Kismayo-Somalia
Comments
comments