Maamul Khilaafsan Xizbul Islaam oo maanta looga dhawaaqay Deegaanada lagu Barakacay iyo Xiisad Caawa ka taagan Ceelasha Biyaha.
Bartamaha(Ceelasha-Biyaha):-Kulan Maanta ka dhacay Deegaanka Xaawa Cabdi oo ka mida goobaha lagu barakacay ayaa waxaa halkaasi looga dhawaaqay Maamul Ka madax Banaan Xizbul Islaam.
Odayaasha Deegaanada lagu Barakacay oo maanta kulan ku yeeshay Deegaanka Xaawa Cabdi ayaa waxa ay ku dhawaaqeen maamul ka madax banaan Xizbul Islaam.
Maamulka maanta lagu dhawaaqay ayaa waxa uu ahaa mid ka madax banaan Maamulkii shalay Xizbul Islaam uga dhawaaqday goobaha lagu barakacay waxaana maanta maamulka la dhisay gudoomiye looga dhigay Sheekh Abuukar Xuseen Muudey, Gudoomiye ku xigeen Iimaan Xaaji Cusmaan,Taliyaha Ciidamada Ammaanka Maamulka Cabdi Aadan Cusmaan.
Dhanka kale Deegaanka Ceelasha biyaha ayaa caawa laga soo sheegayaa in xiisad aad u daran ay ka dhextaagantahay Ciidamada Maamulkii shalay looga dhawaaqay iyo Ciidamo Magaca Xizbul Islaam ku shaqeyn jiray oo deegaankaasi saldhig ku lahaa.
Inta badan dadka ayaa waxa ay ku xaroodeen guryahooda iyadoo dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayo Ceelasha Biyaha iyo hareerihiisa halkaasi oo ay joogaan ciidamada Cusub halka kuwii hore u joogay ay diideen in ay ka baxaan xarun ciidan oo laga sameeyay Ceelasha Biyaha.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments