Maamul Goboleedka Somali Central State oo lagu dhawaaqay (Sawiro).
Bartamaha (Nairobi):- Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya ayaa looga dhawaaqay Maamul Goboleed loogu magac daray Somali Central State kaasi oo deegaano ka mida Galgaduud ka kooban.
Maamul Goboleedka loogu magac daray Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa uu dhismihiisa yimid ka dib markii muddoooyinkii la soo dhaafay shirar ay lahaayeen Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Deegaanada ka mida Gobolka Galgaduud.
Kulan ka dhacay Magaalada Nairobi kaasi oo ahaa wada tashi ayaa waxaa ka dib ka soo baxay in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somali Central State looga dhawaaqo munaasabad ka dhacday Hotelka Ondolos Ee Magaalada Nairobi.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Bartamaha Soomaaliya ayaa loo doortay Maxamed Xaashi Cabdi.
sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi ayaa loo magacaabay Maxamed Xayir Nuur raggaasi oo muddo dadaal ugu jiray sidii doorasho nuucan ah loogu samayn lahaa Dowlad Goboleedka Bartamaha Soomaaliya.
Masuuliyiinta xilkan loo dhiibay ayaa waxa ay uga mahad celiyeen Dadkii xilkaasi u dhiibay iyagoo soo bandhigay Hamiga ku aadan wax qabadkooda siyaasadeed ee soo aadan.
Goobta Maamul Goboleedka Somali Central State looga dhawaaqayay ayaa waxaa ku xardhanaa Astaanka Maamulkaasi uu yeelanayo iyo Calanka Maamulkaasi Bartamaha Soomaaliya oo ka kooban Deegaanada :- Caabud-Waaq,Dhabad,Dhusamareeb,Xeraale iyo Degmada Balambale.
Sawiro:-
Wixii Faah-faahin ah iyo Muuqaalado dheeraad ah oo xambaarsan Astaamaha Maamulkaasi waxaad ka daalacan kartaa www.Bartamaha.Com Insha allah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments